Alshabab oo weerar ku qaadey bar koontrool oo ku dhow xerada xalane

0
224

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena ay dagan yihiin ciidanka AMISOM.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay garoonka kasoo weerareen dhanka Marina Gate, iyaga oo qarax la beegsaday Control ku yaalla halkaas oo laga soo galo garoonka.

Iska hor imaad u dhexeeyo kooxda weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka ayaa haatan ka soconaya xarunta Eeyaha tababaran ee u shaqeeya sida askarta, kuwaas lagu baaro walxaha qarxa, sidoo kale wuxuu weerarku gaaray xafiiska Toyota ee SKA.