Wasiirka wasarada maaliyada oo magalada washigton kulan kula qaadey madaxda bangiga aduunka

0
123

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan magaalada Washington ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta sare ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

Mas’uuliyiinta uu Wasiirka la kulmay ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha guud ee Maamulka IMF Kristalina Georgieva iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka, dhinaca Afrika Hafez Ghanem, iyaga oo ka wda hadlay sidii lagu horumarin lahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle ayaa warbixino ka siiyay madaxda uu la kulamay ee IMF iyo Bangiga Adduunka horumarka Soomaaliya ka samaysay dhawrkii sano ee la soo dhaafay dib u habeynta dhaqaalaha dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa uga mahad celiyay dhammaan hey’adaha dhaqaalaha Adduunka iskaashiga xooggan ee kala dhexeeyo iyo ka qeyb qaadashadooda ah in la gaaro Goobta kama dambeysta ah ee Deyn-Cafinta Soomaaliya.