
Ciidanka Booliska Magaalada Beledweyne ayaa faah faahin guud ka bixiyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii is xigxigay ee xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in dhimashada labada qarax ay tahay in ka badan 15 Ruux sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 30 kale,kuwaas oo isugu jira, Mas’uuliyiin, Askar & Shacab.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Goobta labaad ee qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay in dadka ugu badan ay ku dhinteyn qaraxa labaad ee ka dhacay agagaarka Isbitaalka Beledweyne, balse ay wadaan baaritaano dheeraad ah.
Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa uu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka hir-Shabeelle in dadka qaba dhaawacyada culus loo qaado Muqdisho si loogu daaweeyo.