
Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarkii ka dhacay magaalada Baladweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed oo katirsanayd barlamaanka Soomaaliya iyo dad kale oo shacab ahaa.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midooba Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyay in baaritaan lagu sameeyo falka lagu dilay xildhibaannada, wuxuuna ku baaqay in doorashada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo si nabad ah.
Antonio Guterres wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan wuxuu ugu yeeray argagixisada.
Wuxuu sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay ku taageerto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.
Dhinaca kale, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa isna cambaareyay weerarka lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed iyo dadkii kale ee xalay ka dhacay magaalada Beled Weyne.