Alshabab oo weerar madaafiic ah ku qaadey saldhiga ay ciidamada dowlada ku leeyihiin degmada awdheegle

0
135

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore waxaa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Awdheegle oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada dowladda dhankooda ay madaafiic kale uga jawaabeen weerarka madaafiicda ee lagu soo qaaday Saldhigooda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weli lama shaacin khasaaraha labada dhinac ee Ciidamada dowladda iyo Ururka Al-Shabaab kasoo kala gaaray madaafiicda ay is dhaafsadeen, hayeeshee Maanta xaalada ay tahay mid degan.