Reysulwasaaraha oo xafiiskiisa kula kulmay wakiilka midowga africa u qaabilsan somaliya

0
116

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xafiiskiisa kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera, iyagoona ka wada-hadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka.

Shirka ayaa yimid maalin uun kaddib markii al Shabaab saddex weerar ay ka geysteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishu iyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay lix qof, halka labadii qarax ee ka dhacday magaalada Beledweyne ay ku dhinteen 48 qof, 108 kalena ay ku dhaawacmeen.