
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay qaraxii Beledweyne iyo weerarkii lala beegsaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku boorriyey in dhammaan Maamul-goboleedyada, ‘si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya’ inay si firfircoon ay ula shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintan.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay ka walaacsa yihiin khatarta Al-shabaab ee Nabadda iyo Ammaanka Somaaliyaa iyo Gobolka. waaxayna ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaranka ee muhiimka ah.