
Wararka ka imaanaya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegayaa in halkaas Al-shabaab ay waaberigii saaka weerar ku qaadeen saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu ku bilowdey hoobiyeyaal iyo hubka fudud, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kooxda Alshabaab.
Weerarka oo bilowday ka hor salaadii subax ayaa wararku waxay sheegayaan in waagu isugu baryay ciidamada Puntland iyo kooxdii weerarka qaadday
Majiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidanka Puntland iyo kooxda Shabaab.