
Guddiga Maamulka Doorashooyinka heer Maamul Goboleed ee Puntland ayaa Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal ee (FEIT) ku wareejiyay xogta iyo Warqadaha Foomamka doorashadii ka dhacday Puntland ee lagu soo doortay Xildhibaanada labada Aqal.
Guddiga doorashooyinka Heer federaalka ayaa Puntland uga mahad celiyay doorashooyinkii ay qabteen iyo sida ay ugu soo gudbiyeen iyo Warqadaha Foomamka, iyaga oo Maamulada kale ugu baaqay inay kusoo wareejiyaan.
Dhinaca kale Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland (SEIT) ayaa maanta xubno kasocday Guddiga FEIT ee heer Federaal ku wareejiyay Faylasha xilibaanada labada Aqal ee 26 ah ee lagu doortay deegaan doorashada 1-Aad ee Jubbaland ee Kismaayo maadaama Xildhibaankii 27aad uu dhawaan geeriyooday.
Munaasabada wareejinta ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka socday Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka kuwaas oo dhamaanba goob joog ahaa doorashadii deegaan doorashada 1-Aad ee Jubbaland oo lasoo afmeeray 21-March-2022.