Gudoomiye ku xigeenka amniga degmada walaweyn oo ka badbaadey qarax miino ah

0
283

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Xalay ka dhacay agagaarka hoyga uu ka dagan yahay degmada wanlaweyn guddoomiye ku xigeenka amniga degmada wanlaweyn ee gobolkaasi Cabdullaahi Gaduudoow.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa miino nooca meelaha fogfog laga hago ayaa dhacay daqiiqado kooban kadib markuu gurigiisa galay guddoomiye Gaduudoow, waxaana ku dhintay qaraxaasi wiil uu dhalay guddoomiyaha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askari ka mid ah ilaaladiisa.

Guddoomiye Cabdullaahi Gaduudow oo Saakay la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qaraxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray naf ahaantiisa oo lala tacaalayo xaaladdiisa Caafimaad.

Ciidamada amniga degmada Wanlaweyn ayaa qaraxa kadib howlgalo ka sameeyay xaafada uu ka dagan yahay degmadaasi guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Wanlaweyn, walow aysan jirin cid ay kusoo qabqabteen howlgalkaasi,