
Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn dukumeentiyada Soomaaliya lagasoo qaato ee ay bixiso dowladda Soomaaliya.
Soomaali badan oo xaraystay barnaamijka baqtiyaa-nasiibka ee loo yaqaano Lottery, ayay arrintaan saameyn ku yeelatay, kuwaas oo dib loogusoo celiyay qoraallo loogu sheegayo in Safaaradda Mareynkanka ee Nairobi aysan aqoonsanayn dekumentiyadooda.
Arintaan ayaa kusoo beegantay xilli kumanaan Soomaali ah ay sannadkii hore xaraysteen barnaamijka Lotteryga, iyagoo doonaya inay Mareykanka ku galaan, haddii nasiibkoodu uu saacido.