
Wararka aynu ka heleyno gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug ay howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.
Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanka Cadalle ee koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Saraakiil ka tirsan dowladda oo ka hadlay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari siday waxyaabaha qarxa, islamarkaana ay qabteen raggii watay.
Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, isla-markaana ay ka hortageen, kadib xog ay heleen.