
Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada xildhibaanimada ee kasoo galay maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayuu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed lagu cadaadinayo in aysan qaadanin shahaadada, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid meel looga dhacayo karaamada xildhibaanimada.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanada ugu baaqay in ay qaataan shahaadooyinka si doorashadii daahday loo dardar galiyo.
Waxaa muuqata inuu buray amarkii Lafta-Gareen oo ahaa in xildhibaanada Koofur Galbeed aysan qaadan shahaadada ay bixinayaan Guddiga Doorashooyinka heer Federal
Adanow adiga iyo maxamid abdulahi waxan xasustey dagalki tuhun iyo torabora manta j.shub iyo lafta maxaa lagudbon ?Ma waxaa loo kala jabi dona digilmirifle iyo raxweyn eo manta hogaminayan buurmadow iyo warsame
Comments are closed.