Maamulka koonfur galbeed oo ka hortimid go,aankii uu reysulwasaraha gudiga doorashooyinka kaga saarey labada xubnood

2
219

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay joojyeen wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, waxayna sheegeen inuu raysal wasaaruhu lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada.

Koonfur Galbeed waxay sheegtay inay qaadayso tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna cod dheer ku sheegtay in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wuxuu maamulku sharci darro ku tilmaamay go’aan xalay kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib markii uu guddiga doorashada ka saaray xubno katirsanaa, wuxuuna sheegay in go’aankaas uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.

Hadalka kasoo yeerey maamulka koonfur galbeed ayaad waxaa moodaa inuu yahay mid uu kaga wakiil yahay xafiiska villa somaliya maadaama hogaanka maamulka koonfurgalbeed uu si weyn ula shaqeeyo madaxweynaha dowlada federalka

2 COMMENTS

  1. Mw kg.lafta garen waxaad sameysey dulmi weyn adigo u hilinaya warsame&salim waxaad qeyb ka noqotey bobka ku rasta beesha duwe digil waxaa hortada dulmigan ku fashilmey sharif sakin adiguna fashil ayaa ku bilowdey.

  2. Koofurgalbeed waa ku saxantahay mowqifkan adag
    Raiisalwasaaraha Ha u dhaafo maamulkaas madaxbanaanidiisa.

    Nimanka reerkoonfurgalbeed ii shaqada loo igmaday
    Uu ka casilay waa ku diidannahay.waa Dulmi.

Comments are closed.