Safarada mareykanka oo Jubaland iyo Hirshabele ugu baaqey inay si deg deg ah usoo dhameystiraan doorashada

0
280

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada Jubaland iyo HirShabelle ugu baaqday inay si degdeg ah ku soo dhameystiraan kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

HirShabelle iyo Jubbaland waa labada maamul ee keliya, ee aan weli soo dhameytiran kuraasta Golaha Shacabka, iyadoo Jubbaland ay ku harsan yihiin 16 kursi, halka HirShabelle-na ay ku dhiman yihiin 7 kursi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Waxaan rajeynaynaa in 14-ka April la dhaariyo Xildhibaanada cusub, waxaana boorinaynaa wada-hadal iyo isu tanaasul si loo xaqiijiyo in doorashada la soo geba-gabeeyo si nabad ah iyo iyadoo la wada ogolyahay.”

Baaqa Mareykanka ayaa daba socday qoraal kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya oo ay ku dalbadeen in xildhibaanada la dhaariyo 14-ka April xitaa haddaan lasoo dhameystirin kuraasta doorashada ee ku haray HirShabelle iyo Jubaland.