Madaxweyne farmaajo oo ka horyimid go,aanka lagu ceyriyey ergeyga midowga afrika

0
262

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor yimid go’aan uu xalay raysal wasaare Rooble dalka uga saaray wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madiera, kaas oo lagu eedeeyay inuu faraha kula jiray arrimaha ka baxsan waajibaadka howlgalka midowga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay go’aan kasta oo taabanaya xiriirka Soomaaliya ee joogitaanka Safiirada shisheeye ee dalka, uu yahay mid u baahan in lagu saleeyo danta qaranka, kuna timaadda wadatashi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray wasaaradda arrimaha dibadda inay gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka raysal wasaaraha uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh, sida madaxtooyada sheegtay.

Farmaajo wuxuu ka digay tallaabooyin uu sheegay inaysan ka fiirsi lahayn, kuwaas oo carqaladayn kara amniga doorashooyinka iyo habsami u socodka hannaanka lagu dhammeystirayo, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara.