Xoghayaha guud ee qaramada midoobey oo soo dhaweeyey howlgalka cusub ee midowga africa

0
200

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyay dhismaha cusub ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS).

War qoraal ah oo uu soo saaray sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobay ayaa ku celceliyay in taageerada hagar la’aanta ah ee Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya, isaga oo muujiyay taageerada buuxda ee ATMIS iyo ciidamada amaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Xoghayaha guud ayaa ku booriyay dhammaan dalalka bah-wadaagta la ah inay si degdeg ah u xaqiijiyaan maalgelin waara oo la siiyo howlgalka ATMIS-ka iyo agabka ciidamada amniga Soomaaliya si ay u taageeraan is beddelka amniga ee dalka.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa rajeeyaynin uu si dhow ula shaqeeyo Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan bah-wadaagta si ay u taageeraan in mas’uuliyadaha amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.