Doorashada Socota Xal Ma Leedahay?

0
884

Doorashada ka socota Soomaaliya, oo runtii dadka oo dhan ka warqabaan ereyga – doorasho – in loo isticmaalo eeysan ku habooneyn, waa mid leh halis dib-u-dhac, keeni karta dagaalo, oo dowladnimada gebi-ahaanteedba lagu waayi karo. Waxaa loo baahan yahay in wadankaan la samata-bixiyo, dadkiisa loo turo, oo mustaqbalkiisa ku sii socda godka dheer la isku-dayo in laga badbaadiyo. Taas waxay ku imaan kartaa oo kaliya in dadka Soomaaliyeed aaysan noqon kuwo iska fiirsada xaaladda oo aay la yimaadaan xal ka duwan waxa socda.

Umadda waxaa looga baxay balamo badan oo rag dantooda ama marar badan dano-shisheeye u adeegaya ayaa isku heysta masiirkii iyo danihii shacbiga Soomaaliyeed oo la tacaalaaya dhibaatooyinkii badnaa ee ka soo gaaray dagaalada, abaaraha, dowlad-xumida iwm.

Waxaa la gaaray heer dastuurkii qabyada ahaa in la dhameystiri waayo oo dadka lagu jahwareeriyo muddo ku dhow labaatan sanno waxaa la dhameystiraayaa dastuur. Iyadoo waxyaabihii aasaasiga ahaa sida xuquuqda muwaadinka la inkiraayo maalin cad. Waad ogtihiin in “doorashadan” muwaadino badan oo gobol walba jooga laga hor istaagay in aay tartamaan iyadoo aan loo cuskan wax xeer ah amaba aan xitaa qiil yar loo sameynin. Waa ku takrifal awoodeed oo cad oo lawada og yahay. Waa fidno bilowgeed.

Markii “doorashada” min biloow ilaa dhamaad lagu soo waday musuqmaasuq nooc cusub oo malxiisnimo lagu sheegay, marka laga reebo kuraas faro-ku-tiris ah, ayaa gegabadii habraaca waxaa la keenay in la yiraahdo kuraas yar ayaa CADAALAD loo sameynayaa oo lagu celinaayaa. Waxaa ku xigtay qabiil baa anaga si gaar ah naloogu beegsanaayaa.

Shaqsiyaadka iyo guddiyada “cadaalad darrada” saxaaya iyo kuwa iska dhigaaya in aay difaacayaan qabiilkooda dhamaantood waa kuwo aan dan ka laheyn cadaalad iyo qabiil toona marka la fiiriyo taariikhdooda iyo dhaqankooda diiwaanka ku jira. Dan kama laha in la isku-baaba’o iyo in kale haddii aay u arkaan in iyaga aay dan ugu jirto.

Waxaa la joogaa waqti xasaasi ah oo bulshada haddii aaysan iska dhaafin ka falcelin la’aanta dulmiyada iyo ku-takrifalka lagu haayo masiirkooda halis loogu jiro in cawaaqib xumo ka timaado.

Waxaa hadda yimid – sideey doonaan ha ku yimaadaane – xubno baarlamaan oo ka kooban laba aqal. Haddii aay doortaan madaxweyne, qofkuu rabo ha noqdee, waxaa jiri doona qeybo dhan oo bulshada ka mid ah oo u aan arki doonin qofkaas in uu xalaal yahay. Waxaa la hubaa ra’iisul wasaaraha uu magacaabana in uusan heli doonin kalsooni shacab oo buuxda. Taas macnaheedu waxay tahay haddii laga baaqsado dhibaatooyin kale in lagu noqon doono xaaladihii sannadihii la soo dhaafay oo aan ka dheregsan nahay sideey ahaayeen.

Xalka muxuu yahay?

Waa lagama-maarmaan in wax laga bedelo qaabka wax u socdaan haddii la rabo in uu dhaco isbedel keeni kara in jahada qaldan ee uu wadanka u socdo laga soo weeciyo oo loo duwo dhinaca horumarka, danta-guud iyo waddaninimada. Xalku wuxuu ku jiraa in waxa hadda jira loo wareejiyo dhinaca toosan oo Soomaalida danteeda laga hormariyo wax walba. Aniga waxaan soo jeedin lahaa:

  1. In baarlamaanka xaadirka ah marka la dhameystiro oo aay kulmaan aay sameeyaan guddi ka kooban xubnaha baarlamaanka, culumaa’udiin, odayaal-dhaqan, dhalinyaro/dad aqoon leh, haween iwm. Guddigaas oo ka shaqeeya in aay soo xulaan shan iyo toban toban qof oo lagu tuhmaayo sharaf iyo hufnaan oo shan ka mid ah noqon doonaan Golaha Hogaaminta Dalka (Presidential Council).
  2. Golaha Hogaaminta Dalka oo ka koobnaan doona 5 xubnood waxaa dooran doona baarlamaanka ka dib markii aay guddiga baarlamaanka magacaabay u soo gudbiyaan 15 ka xubnood.
  3. Golaha Hogaaminta Dalka ayaa xubnihiisa midkiiba hal sanno uu ahaan doonaa guddoomiyaha Golaha (Madxweynaha dalka. Madaxweynaha oo ah guddoomiyaha waa qofka qabanaya howlaha madaxweynaha isagoo ku shaqeynaya go’aanka Golaha Hogaaminta Dalka.
  4. Afarta xubnood ee kale waxay noqon donaan guddoomiyeyaasha Guddiga Difaaca Qaranka, Guddiga Maaliyadda Qaranka, Guddiga Amniga Qaranka iyo Guddiga Garsoorka, Cadaaladda iyo Dastuurka Qaranka.
  5. Afartaas guddi waxaa sameyn doona baarlamaanka iyagaana la xisaabtami doona.
  6. Shanta Sanno ee soo socota Golaha Hogaaminta Dalka wuxuu dhameystiri doonaa dhisidda dastuurka, ciidanka iyo maxkamadaha muhiimka ah.
  7. Ka dib waxaa la sameeyn doonaa tirakoob sax ah, diiwaangelin iyo doorasho qof iyo cod ah.

Waxaan rajeynayaa in shan sanno ka dib jidkii saxda ahaa lagu soo noqon doono oo laga bixi doono jahawareerka iyo iska-daba-wareegga.

Allah weyn ninkii aaminaa awood leh!

(Waxaa yiri Abwaan Soomaaliyeed)

Waxaa qoray:

Abdulkadir M. Abow

abow@idirect.com