Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa marka hore Ciidamada ugu hambalyeeyay sanad-guuradii 62aad oo ku beegan markii la Aas’aasay oo Maanta ay Ciidamadu u dabaal degayaan.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay yihiin kuwo horfadhiya cadawga, habeen iyo maalinna una shubaan dhiigooda si ay u difaacaan qarannimada Soomaaliyeed ayna Clidamada Qalabka sida guud ay yihiin hay’ado dastuuri ah oo aan dhicin, waqtina ka dhamaan, oo haysto mandate furan inta uu jiro qaran soomaaliyeed.
Wasiir Cabduqaadir ayaa ka codsaday Ciidamada & taliyeyaashooda in aysan yeelan sumad iyo ujeedooyin aan aheyn kuwa qaranka ee dastuuriga ah, kana foojignaadaan ku milanka siyaasadaha is didan ee waqtiga la dhammaan doona, isla markaana ay ka filiraan waajib qaran oo weyn, oo ah in dalka laga ciribtiro argagixisada, isaga oo mahad celiyay dowladaha aan saaxiibada la ah Soomaaliya ee kala shaqeeya tayeynta Ciidamada.
Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa ka socota munaasabad loogu dabaal degayo 62 sano guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka qeyb galaya Madax kala duwan.