Xoghayaha guud ee qaramada midoobey oo madaxweynaha kala hadley arimaha doorashooyinka

0
286

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters oo khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay sida ay Soomaaliya uga garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo abaaraha dalka ka jira.

Antonio Gutters ayaa sheegay inay taageersan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS uuna rajeynayo in Soomaaliya ay sida ugu dhaqsaha badan u sugto ulana wareegto ammaankeeda dalkeeda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka wada hadlay hanaanka doorashada Soomaaliya. Waxaana la isla qaatay in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo doorashada aqalka hoose iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal.