Waxaa goordhaw si rasmi ah u furmay kulankii ugu horeeyay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, waxaana kulanka shir guddoominaya guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaam Axmed Liibaan.
Kulanka goordhaw u furmay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa ajendayaasha looga hadlaayo kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa uu yahay, Dhaarinta Xildhibaano cusub oo aan weli la dhaarin, Qeybinta Dastuurka, Qeybinta Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS7-Qeybinta habraac kumeel gaar ah ee kala guurka Baarlamanka 10-aad iyo baarlamanka 11aad.
Dhinaca waxaa iyana Maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo aanan shaacin ajandayaasha ay kaga hadli doonaan kulankooda la filayo inuu goordhaw furmo.