Musharaxa gudoonka baarlamaanka sheekh adan madoobe oo kulan la qaatey wakiilka qaramada midoobe ee somaliya

0
209

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), oo ka mid ah musharixiinta xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa Maanta la kulmay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan kaas oo ay ka wada hadleen doorashooyinka dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar galinta Doorashooyinka iyo sida ay muhiimka u tahay in dhammaan siyaasiinta Soomaalidu u taageeraan dhammeystirka hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Musharax Guddomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Maxamed Nuur ayaa Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya james Swan uga mahadceliyay taageerada dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bini’aadannimada iyo horumarinta ee Xafiiska Qaramada Midoobay siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale dhowaan ayey eheyd kolkii uu sheekh aadanmadoobe kulanka la qaatey safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate waxeyna u muujisay rajada wanaagsan ee Dowladda UK ka qabto in Soomaaliya si deg deg ah ay ku hesho nidaam cusub.