Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka oo sheegey inuuka qeyn doono wada shaqeynta dowlada iyo maamul gooleedyada

0
95

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in barlamaanka cusub uu ka shaqey doono sidii Meesha looga saari lahaa wada shaqayn la’aanta dowladda federalka iyo maamul goboleedyada.

Guddoomiyaha cusub ee Barlamaamka ayaa sheegay in meelaha dalka uu ka socon waayay ee keenay in doorashadu muddo hal sano ah la qaban waayo ay tahay khilaafka soo noqnoqday ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu inuu jiro sharci qabyo ah oo barlamaanka horyaala kaas oo qeexaya wada shaqaynta labada dhinac, isagoo sheegay sharcigaas inuu ilaalinayo madax bannaanida hay’addaha dastuuriga ah.

Sheikh Aadan Madoobe wuxuu sheegay barlamaanka cusub inuu saxi doono waxyaabihii ka qaldamay barlamaankii 10-aad, oo ay kamid yihiin in barlamaanka uusan gudan waajibadkiisa dastuuriga ah ee ku aadanaa in sharciga lagu shaqeeyo.