Waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ee Maanta ah in Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho inay ka dhacdo doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartami doonaan musharrixiin dhowr ah.
Xildhibaannada labada Aqal ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codeyn doona, waxaana sidoo kale Goobjoog ka noqon doona Goobta doorashada korjoogto lagu casuumay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, waxaana Mushariixiinta Maanta ku tartami doona xilka Madaxwrynaha Soomaaliya oo gaaraya 35 ay kala yihiin.
Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Guud ee Caasimadda, waxaana dhaqan galay Bandow ay kusoo rogeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyada oo Ciidamada dowladda ay hakiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo ay kujirto Mooto Bajaajta.