Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray doorashadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad la doortay.
Abiy ayaa hambalyo u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afarta sano ee soo socota hoggaamin doono Villa Somalia.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub, ayna iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa shantii sano lasoo dhaafay saaxib dhow la’ahaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay looga adkaaday doorashada, kaas oo helay 110 cod, halka Xasan Sheekh Maxamuud uu isna kusoo baxay 214 cod.