Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegey 100 maalin ee ugu horeysa waxa uu qaban doono

0
181

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo bandhigay shaqooyinka uu qabandoono boqolka maalmood ee ugu horreeya marka uu la wareego xafiiska madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inuu isbeddel weyn ku sameyndoono hay’addaha amniga ee dalka, isoo sheegay inay ku shaqeeyaan sharuuc gabowday oo u baahan in isbeddel lagu sameeyo.

Waxaa madaxweynuhu sheegay in hay’addaha amniga loo qaabayn doona hab waafaqsan nidaamka federalka ee dalka, isagoo sheegay inay haatan u shaqeeyaan sidii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa kale oo uu sheegay inuu dhameystirayo barnaamijka dayn cafinta oo uu tilmaamay inuu haatan marayo meel gabagabo ah oo u baahan dhameystir in lagu sameeyo.