Madaxweynaha dowlada federaalka oo ka hadley dabkii ka dhacay isgoyska banaadir

0
209

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka hadlay dabkii xooganaa ee Xalay ka kacay suuq ku yaala Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa socday dhowr saacadood oo xiriir ah, waxuuna baaba’shay goobo ganacsi oo kala duwan, hayeshee waqti dambe ayaa lagu guuleystay damintiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dabkaas khasaaraha hantiyadeed geystay ayaa sheegay inuu dhibka la wadaagayo ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda uga gubatay dabka xalay ka kacay goobaha ganacsi ee ku yaala Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in musiibada dabka ay ka mid waxyaabaha loo baahan yahay maareyntooda, islamarkaana waqtiga ugu dhaw xalkeeda la gaari doono.