
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shirkii ugu dambeeyey u qabtay xubnaha golaha wasiirada ee kasii tegaya shaqada, kaas oo ahaa mid mahad-naq iyo is macsalaameyn ah.
Kulanka oo ay kasoo qaleen dhammaan xubnaha golaha wasiirada ayaaa sidoo kale dib loogu loogu eegay howlihii u qabsoomay xukuumadda muddadii ay shaqeyneysay.
Rooble oo kualanka ka hadlay ayaa sidoo kale xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ugu mahadceliyey sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen inta uu xafiiska joogay.
Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Mudane Xamza Cabdi Barre iyo dowladda cusub.
Ra’iisul wasaaraha xafiiska baneynaya ayaa lagu xasuusan doonaa waxqabadkiisii muddada uu xafiiska joogay, gaar ahaan sida uu u maareeyey doorashooyinkii ka dhacay dalka.