
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Maanta shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada, Millateriga, Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta, waxaana diirada diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah.
ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.