
Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowladda Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubbaland oo todobaadkan markiisii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Dhoobley.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo sidoo kale guddoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubaland mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa soo jeediyey qiimeynta degmooyin cusub iyo ansixinta labo degmo oo kala ah Buurdhuubo iyo Dhoobley kuwaas oo guddi wasiirro ah ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay qiimeynta iyo naqshadeynta degmooyinkaas.
Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey in magaalooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo ay si buuxda u noqdaan degmooyin ka tirsan Jubaland.