Reysulwsaaraha cusub oo ka hadley dhowr qodob oo muhiim ah

1
356

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in uusan ku qancin karin in dadka Soomaaliyeed ay xilligan u dhimanayaan baahi iyo biyo la’aan ka dhalatay abaaraha.

Raysal wasaaraha ayaa tilmaamay in arrimahan oo idil ay sabab u yihiin amni la’aanta ka jirta meelo badan oo dalka katirsan, taasoo uu sheegay inay meesha ka saarayso qorshe kasta oo wax looga qaban lahaa abaaraha soo noqnoqday iyo waxyeelada daadadka.

Wuxuu raysal wasaaruhu sidoo kale sheegay inay adag tahay inuu aqbalo in amnigiisa ay sugaan dad ajnebi ah, iyo in magaalooyin Soomaaliyeed oo aad isugu dhow diyaarad loogu kala safro.

Raysal wasaare Xamse wuxuu sheegay inay laga maarmaan tahay in isbedel la helo oo laga baxo nolasha haatan lagu jiro, isagoo ugu baaqay cid kasta oo Soomaaliyeed inaysan ogolaan in sidaan lagusii jiro oo dadka Soomaaliyeed amni darro iyo abaaro kusii jiraan.

1 COMMENT

  1. Rw hamza ma aha qof qaran,waa qabil ku naax,wuxuu si gaar ah culeys u saari donaa digilmirifle inta yar ee soo hartey,tusale waxaa idin ah sida dhaqsiyaha badan axmed midowe u magacawey degmoyin cusub,kacdonka ka socdo g.bakool ee qoni u goosadka ah iyo heyb arursiga ka bilowdey q.gedo.

Comments are closed.