Khadra Daahir oo maanta lagu aasay magalada hargeysa

0
233

Maydka fannaanadii waynayd ee Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige, oo xalay ku geeriyootay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, ayaa saaka lagu aasay xabaalaha Halleeya ee bariga Hargaysa.

Aaska fannaanada ayaa waxaa kasoo qaybgalay boqollaal qof oo iskugu jira masuuliyiinta xukuumada Somaliland iyo axsaabta mucaaradka, fannaaniin, abwaano, saxafiyiin iyo dadwayne kale, kuwaasi oo si qiiro leh uga hadlay shakhsiyadii Khadra Daahir.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa isna fannaanada ku sifeeyay in ay ahayd qof cibaado badan, isaga oo geerideeda ka tacsiyeeyey shacabka Somaliland iyo umada Soomaaliyeedba.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ka wakiilka madaxweynaha Somaliland, ayaa Alle naxariis uga baryay fannaanad Khadra Daahir, isaga oo sheegay in ay isku fil ahaayeen caruurnimadii.

Dhamaan fannaaniinta, wariyayaasha iyo dadwaynaha kale ee kasoo qayb galay aaska Khadra Daahir Cige, ayaa Alle uga baryay in uu janooyinkiisa ku casuumo, iyaga oo sheegay in ay ahayd shakhsiyad qiimo leh.