Madaxweynaha dowlada federaalka oo maanta u kicitimi doona dalka turkiga

0
242

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu wadaa in Maanta ay u duulaan dalka Turkiga, kadib martiqaad uu ka helay dhigiisa madaxweynaha Turkiga Receb Tayib Erdogan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Turkiga ay ku sugnaan doonaan mudo sadax cisho ah, islamarkaana ay labada madaxweyne ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood iyo saxiixyada heshiisyo cusub oo dhexmari doona labada dhinac.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ay Maanta ku aadayaan dalka Turkiga ayaa noqonaya safarkiisii labaad tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Soomaaliya 15-kii bishii May ee sanadkaan 2022, isagoo safarkiisii koowaad ku tagay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.