Reysulwasaaraha oo xafiiskiisa kula kulmay safiirka midowga yurub ee somaliya

1
366

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa looga hadlay “Xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh dowladda,” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto dowladda Cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay kordhinayaan mashaariicda horumarineyd oo ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadcelshay booqashada Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann, isaga oo kaga mahadcelshay kaalinta ay ku leeyihiin dowlad dhiska Soomaaliya.

Tiina Intelmann oo ah Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa uga Hambalyeesay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre xilka culus ee loo igmaday kaas oo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay 15 Juun 2022 Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya.

1 COMMENT

Comments are closed.