Ciidamada dowlada iyo alshabab oo ku dagaalamay deegaanka sabiid ee gobolka shabelaha hoose

0
242

Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab ayaa dagaal ba’ani ku dhex marey degaanka Sabiid oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda ee fariisinka kuleh Buundada degaanka Sabiid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ku dhaawacmay hal askari oo katirsan Ciidamada dowladda, waxaana dagaalka sidoo kale uu saameyn ku yeeshay dadka degan agagaarka xerada Ciidamada dowladda ee degaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.