Mareykanka oo sheegey in malaayiin doolar ay ugu deeqeen abaaraha ka jira dalka somaliya

0
315

Safaaradda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan $700 oo milyan, taas oo ay ku bixiyeen wax ka qabashada gurmadka abaaraha daran ee haatan ka jira qaybo badan oo ka mid dalka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa lagu faahfaahiyey lacagtaan oo la soo mariyey hay’adda gargaarka ee USAID.

Hay’adda ayaa dhankeeda shaacisay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaartay meshii ugu xumeyd, isla-markaana ay kordhiyeen taageeradooda Soomaaliya.

USAID ayaa sidoo kale sheegtay in macluul laga saadaalinayo deegaanada qaar, sida Koonfur Galbeed, inta lagu guda jiro bilaha Oktoobar-December ee sanadkan, haddii aan si degdeg ah gargaar naf badbaadin ah loo helin si loo gaarsiiyo dadka aadka ugu baahan.