Golaha odayaasha dhaqanka koonfur galbeed oo ku baaqay in xukumada lagala shaqeeyo la dagaalanka nababgelyo xumida

0
404

Golaha odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku baaqeen in maamulka koonfur Galbeed iyo dowladda federalka lagala shaqeeyo arrimaha amniga iyo wax ka qabashada abaaraha.

Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed waxay sidoo kale ku baaqeen in dib u heshiisiin waarta loo sameeyo bulshada kuwada nool deegaannada koonfur Galbeed.

Bayaankooda ayaa kusoo beegmay xilli qabaa’ilada Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay dagaal kula jiraan Alshabaab.