Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee gurmadka abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalada ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada.
Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday dowladdiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo uu sheegay iney ka mid yihiin in dalka laga xoreeyo Alshabaab iyo Daacish, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo ciidamada xoogga dalka, waxuuna la wadaagay Madaxda Adduunka dhibaatada iyo xasuuqa Al-shabaab iyo Daacish ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmogeydada ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed dareenka iyo baraarugga ku wajahan inay iska dulqaadaan cadowga caadeystay daadinta dhiiggooda, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalka Al-shabaab lagu garab istaago dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen xuquuqdooda aas aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan.
Gabagabadii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxuu si faahfaahsan uga warbixiyey qorshaha tayeynta ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbeddelka cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, daris wanaagga iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah Dunidana Heshiis la ah.