ATMIS oo sheegtey in cidamada dowlada ay awood u leeyihiin inay la wareegaan sugida amniga dalka

0
155

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS, ayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hoyeen howlgallada amni ee Shabaab looga xoraynayo dalka.

Howlgalka ATMIS ayaa sheegay ciidamada Soomaaliya inay soo bandhigeen awoodooda weerar, taasoo u suuro galisay inay gacanta ku dhigaan deeganno ee in ka badan 10 sano gacanta ugu jiray kooxda Alshabaab.

ATMIS waxay sheegeen in howlgallada ciidan ee socda ay caddeyn u yihiin in ciidanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin in ay horseed u noqdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ayna la wareegi karaan mas’uuliyadda amniga dalkooda.

Dhammaadka 2024, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay la wareegaan masuuliyadda amni ee dalka, iyadoo lasoo afjarayo howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya.