Qaar kamid ah askartii ku dhawacantey dagaalada ka dhanka ah alshabab oo dhawacooda loo qaaday dalka masar

0
202

Dowladda Masar ayaa taageero weyn u muujisay dowlada Soomaaliya, kadib booqashadii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi.

Masar ayaa gargaar caafimaad u fidisay qaar ka mid ah dhaawacyada askartii ku waxyeelowday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo laga dajiyey Qaahira, sida uu shaaca ka qaaday safiirka Soomaaliya uu fadhiyo dalkaasi, Amb. Ilyaas Sheekh.

Danjiraha ayaa sheegay in dhaawacyada askarta ay ku qaabileen garoonka Qaahira, si wax looga qabto xaaladdooda caafimaad, isaga oo sidoo kale u mahad-celiyey Masar.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay qasriga madaxtooyada ee dalka Masar ayaa waxaa lagu sheegay in gargaarkan uu qayb ka yahay taageerada ay siinayaan dowladda federaalka iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed oo hadda la daala dhacayo xaalado adag.