Wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka xooga dalka oo gaarey deegaano ka tirsan gobolka galgaduud

0
375

Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo gaaray degaano katirsan Bariga Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka socda Gobolada dalka, kuwaas oo degaano dhowr ah lagala wareegay Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay markii hore ogolaaden inay ku dul noolaadaan dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, balse hadda ay u dul qaadan waayeen lana dagaalamayaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan la joogo waqtigii Al-Shabaab guud ahaan dalka laga saari lahaa, isaga oo u mahad celiyay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya & kuwa degaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in Alle mahadiis tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garaawsadeen inaan lasii fiirsan karin Al-Shabaab ayna go’aansadeen inay la dagaallamaan si shartooda looga nabad galo, loona helo nabad iyo xasilooni waarta.