![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2022/09/liibaan.jpg?resize=600%2C429&ssl=1)
Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa amaro cusub kusoo rogay shacabka ku nool degmadaas, kuwaasi oo la xiriira dhanka amniga xili deegaano kamid ah maamulka Koonfur Galbeed ay ka socdaan howl-galo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose Liibaan Abuukar Cusmaan ayaa sheegay in marnaba maamulkooda uusan aqbali doonin in dadka shacab ah ay hub ku dhex heystaan gudaha degmadaas.
Guddoomiyaha ayaa u qabtay dadkaas inay muddo 24 saac gudahood ah kusoo wareejiyaan hubkaas aan ka diiwaan-gashaneyn degmada.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qofkii ka dhega adeega amarkooda ay u qaadanayaan in hubkiisa uu ugu talo-galay inay ku dagaal-galaan ururka Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.