Taliyaha boliiska gobolka nugaal oo sheegay inay qabteen dagaalyahano ka tirsan alshabab

0
488

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigtay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo loo maleynayo inay kasoo carareen howlgallada ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal gaashaanle sare, Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in Shabaabkan lagu qabtay magaalada Garowe, haddana ay ku xiran yihiin xarumaha ciidanka, iyadoo baaris ay ku socoto.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay Shabaabka lagu qabtay kantaroolada Garowe, kadib markii uu sheegay inay Puntland gashay heegan amni oo ay kaga gaashaamanayso inay deegaannadeeda usoo gudbaan firxadka Alshabaabka ee kasoo baxsanaya Hiiraan iyo Galgaduud.

Taliyuhu wuxuu sheegay in maalmaha soo socda raggaan lasoo taagidoono maxkamadaha, si caddaaladda loo marsiiyo.