Alshabab oo lagala wareegay deegaano badan oo hoos taga gobolada shebelaha hoose iyo shabelaha dhexe

0
148

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamadu howlgal qorsheysan ay hiirtii waaberi ka fuliyeen Basra.

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyin badan oo hoos yimaada Basra, sida lagu sheegay war dowladda kasoo baxay.

Dhammaan deegaannada ciidamadu la wareegay waxay ku teedsan yihiin yihiin webiga Shabeelle. Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaaa Alshabaab ee deegaanada ay la wareegeen.

Deegaanka Basra ayaa ah degaan iskuna xira gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shaqaalaha Dhexe. Sidoo kale, Alshabaab ayaa deegaanka Basra ku lahayd saldhig wayn oo dadka uga yeeri jireen.

Tuulooyinka ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada oo gaaraya 9 tuulo ayaa kala ah.

  1. Basra
  2. Sabyo
  3. Baqdaad
  4. Beled Al Kariim
  5. Baldooska
  6. Alifoow
  7. Muryaley
  8. Daniga Balow
  9. Buula Xansholey.