![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2022/09/farxaan.jpg?resize=660%2C426&ssl=1)
Taliyihii ciiddanka Booliiska gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa ku geeriyooday qarax miino oo lagula eegtay deegaanka Basra, halkaas oo saakay ciidamada dowladda kala wareegeen Alshabaab.
Waxaa la sheegay in gaariga uu la socday taliyaha ciiddanka booliiska gobolka Banaadir uu haleelay Qarax miino oo Alshabaab ay waddada kusii aaseen. Waxaa sidoo kale jira khasaare kale oo gaaray askartii la socotay.
Farqaan Qaroole ayaa kamid ahaa saraakiishii kasoo qeyb qaatay dagaallada Alshabaab. Wuxuuna dhowr jeer ka badbaaday weerraro ismiidaamin ah oo Muqdisho lagula eegtay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka taliyaha Booliiska gobolka Banadir u magacaabay sannadkii hore, kadib markii kasoo wareejiyay taliyihii gaarka ahaa ee ciidanka Haramcad.