Ciidamada dowlada oo isaga so baxay deegaano ka tirsan gobolka hiiraan

0
449

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamadda Dowladda ay soo baneeyeen Deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee Gobalka Hiiraan, halkaasoo dhawaan lagala wareegay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamadda deegaanadaasi baneeyay ay saldhigteen degmooyinka Buula-barde iyo Maxaas, iyadoo cabsi xooggan ay soo wajahday shacabkii hore u soo dhaweeyay ciidamadan.

Sida wararku sheegayaan, waxaa jira khilaaf u dhexeeya hoggaanada kala duwan ee ciidamadda howlgaaldan wada, taasoo loo aaneenayo iney sabab u tahay ka bixitaanka ciidanka ee Yasooman iyo Moqokori oo mudo dheer saldhig u ahaa Al-Shabaab.

Waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday dadaalo uu hormuud u ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu ku doonayay inuu ciidamadda ugu qanciyo iney deeganadaasi joogaan.