![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2018/10/ciidan-e1557686634738.jpeg?resize=540%2C298)
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay waddo dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo ku wajahan kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
Jubbaland ayaa dooneysa inay qaado guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana abaabulkii ugu dambeeyey uu haatan ka socdaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadii ugu badnaa ayaa haatan lagu diyaarinayaa Kismaayo, kuwaas oo ka qayb qaadan doono howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa kormeer ku tegay xeryaha ciidamadan ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula hadleen ciidamada loo diyaarinayo howlgallada ka bilaabanaya deegaanada maamulka Jubbaland.
General ismaaciil Saxardiid Keysane oo ka mid ah saraakiisha Jubbaland oo ka hadlay goobta ayaa farriin u diray dhammaan ciidamada, wuxuuna ugu baaqay inay u duyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.