![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2021/08/faqi.jpg?resize=600%2C405)
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore xaqiijisay wararka sheegaya in diyaaradaha hubeysan ee ay soo saarto Turkiga ee Baykar ay hadda ka howlgalaan Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dood ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay bixinayaan sahan dhanka cirka ah iyo sahan milateri.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in hawl wadeenada Turkiga ee Drones-ka ay si dhow ula shaqeeyaan taliyayaasha Soomaalida, kuwaas oo siinaya isku-dubarid bartilmaameed ah, si loola socdo dhaqdhaqaaqyada Alshabaab.
Soomaaliya ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay waxa ay Turkiga la wadaagtay iskaashi ciidan oo qoto dheer.