Gudoomiyaha gobolka banaadir oo sheegey in ciidamada sirdoonka ay la wareegtey guryo u kireysnaa alshabab

0
222

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuuusf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ciidamada sirdoonka ay la wareegeen shan guri oo u kiraysnaa shabakad katirsan kooxda Alshabaab.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guryahan lagasoo saaray hub nuucyadiisa kala duwan leh. Sidoo kale wuxuu sheegay inay Alshabaab u adeegsan jireen qaab isbitaal ahaan ah, iyagoo ku daweyn jiray dhaawacyadooda.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in gacanta lagusoo dhigay dadkii guryahaas ku sugnaa, isagoo sheegay in sharciga la marsiindoono.

Guddoomiyuhu wuxuu digniin u diray dadka shacabka ah isagoo u sheegay inay la socdaan dadka guryahooda ay ka kiraynayaan.