![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2022/10/qarax.jpg?resize=600%2C450&ssl=1)
Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magalada beledweyne ee gobolka hiiraan ayaa waxaa qaar ka tirsan maamulka hirshabele kasoo gaartey qasaarooyin isugu jirta dhimasha iyo dhaawac kaasoo ka dhacay Xerada lamagalaay ee Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay kuyaallaan Xarunta Madaxtooyada labaad ee hir-Shabeelle & Xarunta uu ku Shaqeeyo Maamulka Gobolka Hiiraan.
Dadka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Sakariye Hure iyo Gudoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadeey, waxaana ku dhaawacmay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Hir-Shabeelle Axmed Dirir & Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire Colaad.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxyada ay sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Saraakiil katirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo dad Shacab ah.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ayaan weli ka hadlin qaraxyada, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxyada, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka soo gala & kuwa ka baxa Xerada lamagalaay ee Magaalada Beledweyne.